Kolding oo Wajahaysa Dib-u-habeyn Weyn oo Lagu Sameynayo Bartamaha Magaalada

RH: Degmada Kolding waxay qorsheyneysaa in ay billowdo mashaariic waaweyn oo dib-u-casriyeyn ah oo ka dhici doona bartamaha magaalada laga bilaabo 2027, iyadoo la filayo in mashruucu socdo muddo shan sano ah. Qiyaastii 160 milyan oo koron ayaa lagu bixinayaa dhismaha iyo hagaajinta, waxaana lacagtan badankeed lagu heli doonaa deyn cusub oo dowladdu bixiso, taas oo la bixin doono muddo 25 sano ah.

Guddoomiyaha guddiga Qorsheynta iyo Farsamada, Jakob Ville (V), ayaa sheegay in bulshada laga rabo samir iyo dulqaad inta lagu guda jiro fulinta mashaariicdan, maadaama shaqooyinka waaweyn ay keenayaan dhibaatooyin ku meel gaar ah.

"Marka aan bilaabeyno, waxaan dadka ka codsanayaa in ay dulqaad yeeshaan, maadaama mararka qaar xaaladdu xumaan doonto si ay mar kale u hagaagto. Waxaan isku dayi doonaa in aan dhibaatada ka dhigno mid yar oo la aqbali karo," ayuu yiri Jakob Ville.

Go’aanka kama dambaysta ah wuxuu sugayaa ansixinta golaha deegaanka, kadibna waxaa la diyaarin doonaa qorshe rasmi ah oo faahfaahsan oo qeexaya sida mashaariicdan loo kala hormarinayo.

Mashaariicda La Qorsheynayo:

  • Hagaajinta Tilmaan-bixinta iyo Dhaqanka Taariikhiga ah: Magaalada Kolding waxaa lagu horumarin doonaa nidaam cusub oo dadku si fudud ugu heli karaan goobaha taariikhiga ah sida Slotsbanken, Helligkorsgade iyo jidadka yaryar ee qadiimiga ah.

  • Akseltorv iyo Nicolaiplads: Labadan meelood ayaa loo beddeli doonaa goobo firfircoon oo loogu talagalay dhacdooyinka bulshada, fadhiga, suuqyada iyo makhaayadaha bannaanka ah.

  • Bredgade: Wadadan ayaa noqon doonta albaabka cagaaran ee magaalada oo dareen ahaan muujin doona bilowga bartamaha magaalada.

  • Hagaajinta Suuqyada: Wadooyinka Helligkorsgade, Østergade iyo qeybta waqooyi ee Søndergade ayaa la hagaajin doonaa, iyadoo la dhigi doono geedo iyo dhismooyin cusub si ay u noqdaan meel dadku ku kulmaan una ganacsadaan.

  • Gråbrødregade iyo Jernbanegadekrydset: Goobtan ayaa loo beddeli doonaa meel dadku si ammaan iyo raaxo leh ugu nasan karaan, iyadoo la sameynayo marinno fiican oo casri ah.

  • Jernbanegade: Qeybta u dhaxeysa Buen iyo Akseltorv ayaa dib loo soo nooleyn doonaa iyadoo la siinayo howlo cusub dukaamada bannaan.

  • Slotsgade iyo Koldinghus: Wado cusub oo cagaaran ayaa la furi doonaa oo isku xiraysa Slotsbanken, Jernbanegade iyo Koldinghus.

  • Baggårdene: Barxadaha danbe ee magaalada iyo marinada yaryar ayaa loo rogi doonaa meelaha dadku ku marayaan oo xiiso leh, iyadoo laga dhigayo goobo leh farshaxan iyo sheekooyin taariikhi ah.

  • Klosterparken: Beerta Klosterparken ayaa loo beddeli doonaa jardiin cagaaran oo leh adeegyo bulsho iyo astaan gaar ah.

Guddoomiye Jakob Ville ayaa ku adkeystay in dhammaan mashaariicdan ay ujeedadoodu tahay in Kolding looga dhigo magaalo casri ah oo la jaanqaadi karta mustaqbalka — magaalo leh dhacdooyin, fadhiyo bannaanka ah, cagaar badan, iyo meelaha quruxda badan ee lagu nasto.

 

Kolding, 8-da May 2025 | Warbixin diyaariye: Mohamed-Amiin Siyaad | Radio Hormuud

Category